Doorashooyinka Kenya oo bilaabmay Talaadadii 09/08/2022, ayaa inta badan natiijooyinkii doorashooyinka golayaasha federaalka iyo kuwa maxaliga ah ay soo baxeen. Balse waxa aan wali lagu kala bixin waa baratanka Madaxweynaha ee Kenya oo labada murashax ee isku haya ay yihiin William Ruto iyo Raila Odinga.
Labadan Murashax ayaan wali la xaqiijin midka guulaystay, iyadoo wali ayna cadeyn waxa ay ku dhawaaqi doonto Gudida Madaxa banaa ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya.
xitaa waxaan cadayn in doorashada lagu kala badin waayey oo ay ku celis tahay iyo in lagu kala badiyey.
waqtiga 03:00 Pm oo wax yar ka hadhay ayaa losugayaa natiijada ay gudidu ku dhawaaqi doonto.