Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gudi gaara u saaray xabsiyada Xamar.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u magacaabay gudi gaara oo warbixin ka keenta xaaladaha xabsiyada Xamar iyo maxaabiista ku jira.

Aden Madobe Somali Parliament Speaker

Credit: Madar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo u kuur gala xaalada xabsiyada Xamar iyo maxaabiista ku xidhan.

Magacaabida gudoomiyaha ayaa timid kadib markii baarlamaanka kalfadhigiisii 3aad, kulankiisii 18aad ee 14 August qabsoomay lagaga dhex dooday waxribixin hordhaca oo laga keenay xaaladaha iyo duruufaha ka jira Xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale isla fadhigaas ayaa Xildhibaano Golaha Shacabka BJFS ay ku tala bixiyeen in arintan loo saaro gudi gaara oo soo dhamaystirta baarista, isla markaana warbixin kasoo diyaarisa xaalada xabsiyada iyo maxaabiista ku xiranba.

Gudiga la magacaabay ayaa tira ahaan ka kooban sagaal qof, una kala baxa gudoomiye, gudoomiye ku xigeen, xoghaye, iyo xubno lix ah.


Somali Parliament ducument.jpg
Somali Parliament ducument 2.jpg

Share

Published

Updated

Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gudi gaara u saaray xabsiyada Xamar. | SBS Somali