Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Guurka dadka isku jinsiga ah oo Australia laga ogolaaday.

Guurka dadka isku jinsiga ah oo Australia laga ogolaaday.

Australian Prime Minister Malcolm Turnbull (left) and Australian Attorney-General George Brandis Australian Governor-General Sir Peter Cosgrove
Source: AAP

Guurka dadka isku jinsiga ayaa wadanka Australia laga ansixiyay, kadib markii aqalka baarlamaanku uu aqlabiyad xoog leh ay oogu codeeyeen, kadib fadhi waqti dheer malinkii shalay (07/12/2017) ahaa lagu gorfaynayay, iyadoo sidoo kalena mar hore Golaha Senate ku uu ogolaaday.

 Ansixinta golaha kadib ayaa waxaa loo soo gudbiyay Governor-General-ka, oo isagu iska leh saxiixa u danbeeya, kadib marka baalramaanku uu ogolaado.

 Qaanuunkan ayaa isagu dhaqan galaya maalinka Sabtdada ah ee taariikhdu tahay 09/12/2017.  Balse guurarka ayaa iyagu bilaabanaya  bisha 09 January 2018.

 Meelmarinta sharcigan ayaa waxa ay so afjaraysaa, ololihii ay mudada dheer wadeen dadka iyagu udoodayay guukan, kaasoo kadib aftidii wadanka Australia laga qaaday ogolaansho loogu codeeyay, kadibna la ansixiyay.

 Waxaase jira dhanka Xoriyaadka diimaha ee Australia , oo wali dareen ka jiro, ahna in guurkan dadka isku jinsiga ah, ee la meelmariyay iyo xoriyaadka diimuhu  iska hor imaad uu ka dhalan karo, iyadoo la sugayo gudi arintaa loo saaray in ay  tala bixin ka keenaan.


1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now