Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya William Ruto ayaa ku guulaystay baratanka doorashadii madaxweynanimada wadanka Kenya ee 2022, kadib markii uu helay wax ka badan 50% codadkii guud ee doorashada, halka Raila Odinga uu helay 48.85%.
Madaxa Gudida Madaxabanaan ee Doorashooyininka iyo Xuduudaha Kenya (IEBC) Mr Wafula Chebukati, ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenkii dalka Kenya William Ruto uu ku guulaystay tartankii adkaa ee dhex maray William Ruto iyo Raila Odinga, kaasoo bilowdey Talaadadii 09 August 2022 laguna dhawaaqay Isniintii 15 August 2022.
Kadib 6 maalmood oo la sugayey natiijada baratanka madaxweynaha Kenya, gudoomiyaha Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya Wafula Chebukati ayaa munaasabadii shaacinta natiijada ka sheegay in Ruto uu helay 7.17 milyan oo cod una dhigantah 50.49%, halka uu helay Raila Odinga 6.94 una dhiganta 48.85%.
Sidoo kale tartanka madaxweynaha Kenya waxaa kaloo ku jiray laba nin oo kala ah George Wajackoyah oo helay 61,969 cod una dhiganta 0.44% halka David Waihiga uu isna helay 31,987 cod, una dhiganta 0.23%.
Gudida doorashooyinka ayaa waxa ay haysatay in 7 bari gudahood ay ku shaaciyaan doorashada, taas oo ka dhigneyd in waqtigu ka dhamaan lahaa hadii ayna Isniinta ku dhawaaqin.
Ku dhawaaqida William Ruto in ay guushu raacday, Gudida Doorashooyinka Kenya way ku kala qaybsameen, balse gudoomiye Wafula waxa uu ku adkeystay in uu ku dhawaaqo sida ay natiijadu tahay.
Taageerayaasha Raila Odinga ayaa muujinaya in musharaxoodu uu yahay kan ku guulaystay doorashada, cadeymana hayaan, ayna qaadi doonaan talaabo dhanka sharciga ah oo ay ku hor istaagayaan natiijada la shaaciyey ee William Ruto loogu dhawaaqay in uu madaxweynaha Kenya yahay.
Rail Odinga, hadii uu sidaas ku waayo noqoshada madaxweynaha dalka Kenya – hadii uu aqbalo natiijda, ama uu talaabooyinka dhanka sharciga waxba ku waayo – waxa ay tani uga dhignaaneysaa khasaarihii shanaad ee kasoo gaadha doorashooyinka Kenya, isagoo la baratamay afar kamida shanti madaxweyne ee Kenya soo martay, kalana ah Daniel Arap Moi (1997), Muwi Kibaki (2002), Uhuru Kenyatta (2013 & 2017) iyo hada oo uu la baratamay William Ruto (2022).