Hinside ay waday hogaamiyaha xisbiga One Nation Pauline Hanson oo ay ku doonaysay in afti loo qaado tirada soo galootiga dalka la keeno sanadwalaba ayaa looga adkaaday aqalka Senatka.e.
Hindisaha aftida ayay horgaysay aqalka sare maanta oo Isniin ah iyadoo Senatoradu ku doodaysa in soogalootiga badan ee dalka imanaya ay culays saarayaan nidaamka lacagaha cayrta ee dadka la siiyo.
Hase yeeshee Senatorad Hanson iyo Malcolm Roberts oo xisbigeeda ka tirsan ayaa noqday labada qof ee u codeeyay hindishe sharciyeedkan waxaana kasoo horjeestay 54 Senataro ah.
Xsibiyada Laborka iyo Liberalka ayaa labaduba ku sheegay hindise sharciyeedkan mid aan loo baahnayn kuna haboonayn dalkan ay dhiseen soogalootigu.