SKIP TO MAIN CONTENT

Hanson" Women are forced to wear Burqa"

Dutch senators have approved a partial ban on the Islamic full-face burqa.
Dutch senators have approved a partial ban on the Islamic full-face burqa. Source: AAP

1 min read

Published



Skip to article content

Pauline Hanson ayaa ku dhaliishay haweenka baarlamaanka ku jiro oo iyagu isku tilmaamay inay u doodaan xaquuqda haweenka (Feminist) inaysan waxba ka sheegin haweenka xirta jilbaabka.

Hogaamiyaha xisbiga One Nation ayaa sheegtay inay jiraan haween badan oo lagu qasbay inay xirtaan dhar diimeedkaas.

Ms Hanson ayaa TV Janaal Nine u sheegtay in haweenka u dagaalama sinaanta laakiin aan kasoo horjeedin jilbaabka inay yihiin labo wajiilayaal.

(("Tuura jilbaabka, xoreeya haweenkaas. Haweenka Australia waxay usoo dagaalameen inay codeeyaan, waxaan nahay mid ka mid ah dalalkii ugu horeeyay oo haweenka cod siiya, haweenku way horumareen, waxay u dagaalamayaan sinaanm waxay u dagaalamayaan mushaaro le'eg tan ragu qaataan, saasoo ay tahay waxay diyaar u yihiin inay arkaan haween dhar dadan qaba oo jilbaab xiran xataa markay dabaalanayaan, waa wax lagu qoslo")) ayay tiri Ms hanson


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now