Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Roobab mahiigaana oo Muqdisho ka da'ay oo dhimasha sababay.

Roobab mahiigaana oo Muqdisho ka da'ay oo dhimasha sababay.

Heaviest rainfall in Mogadishu, causing casualties
Source: Hiiraanonline

Roobabkii mahiigaanka ahaa ee ku dhuftay inta badan cariga Soomalidu dagtay ayaa khasaara badan gaystay oo naf iyo maalba isugu jira.

Magaalada Muqdisha ayaa roogakii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay ay gaysteen khasaara naf iyo maalba isugu jira,  iyadoo ilaa iyo haatan inta la ogyahay ay ku geeriyoodeen lix qof, oo sadex ka mida ay caruur yihiin, halka lagu qiyaasay guryaha roobabku ay burburiyeen ama ay waxyeelada gaadhsiiyeen wax ka badan 300 oo guri, iyadoo sidoo kalena ay jirto wadooyin mihiim ahaa oo roobabku ay waxyeeleeyeen.

Gooba ka mida meelaha roobabaka mahiigaanka ah ay ku dhufteen ee magaalada Muqdisho,  ayaa waxaa booqday ra’iisulwasaaraha Xassan Cali Kheyre, iyadoo ay la jireen masuuliin uu ka mid ahaa  Gudoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cisman (Yariisoow).

Gudoomiye Yariisoow,  ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay  roobabkan mahiigaanka ah in ay gaadhayaa ilaa $35 Million oo dollar.

Cabsida jirta ayaa waxa ay tahay,  iyadoo lagu jiro xili roobaadkii,  sida la odorasayana  maalmahan roobab mahiigaana la filayo,  in waxyeelada roobabkaasi ay sii cuslaato, sababa la xidhiidha dadka barkacayaasha ah oo aad utira badan, iyagoon haysanina xili roobaadkan hoy ay ka galaan roobaabkaas iyo duufaanada ay wataan.


2 min read

Published

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now