Hindise Sharciyeedka Isbeddelka Cimilada ayaa ka gudbay Aqalka Senetka kadib maalmo dood ah ka dib, iyadoo la fuliyey wax ka bedel uu soo jeediyay Senatarka madaxbanaan David Pocock.
Cod u qaadida lagu sharciyeynayo bartilmaameedka dhimista 43 % qiiqa iyo wasakeynta deegaanka ee 2030 ayaa soo dhaaftay golaha Senatka, iyadoo 37 xubin ay u codeeyeen halka ay ka codeeyeen hindisha sharciyeedka 30 xubnood.
Xukuumadu waxay taageero muhiim ah ka heshay Xisbiga Greens, Senator Pocock iyo Senatarad Jacqui Lambie.
Masuuliinta Jaziiradaha Baasifiga ayaa soo dhaweeyay ansixinta sharcigan, balse waxay sheegeen in loo baahan yahay in la qaado tillaabo aad u xoogan si looga hortago saameynta ugu xun ee ku wajahan bulshadooda.
Hindisa sharciyeedkan oo sidiisii hore wax laga badalay, ayaa hadda dib ugu laaban doona Golaha Wakiillada si ay ugu codeeyaan.