Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Hogaamiyahii Al-Qaeda Ayman al-Zawahiri oo drone lagu dilay

Current Al Qaeda leader, Ayman al-Zawahiri

Killed Al Qaeda leader, Ayman al-Zawahiri Source: AAP

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in hogaamiyihii ururka Al-Qaeda Ayman al-Zawahiri lagu dilay weerar drone ah oo hay'adda sirdoonka Maraykanka C-I-A ay ka fulisay dalka Afghanistan.

Tan oo ah dharbaaxadii ugu waynayd oo ku dhacda kooxdan mintidiinta ah wixii ka danbeeyay markii hogaamihii asaasay ururkan Osama Bin Laden la dilay 2011.

Saraakiisha ayaa sheegtay in weerarka drone-ka ah ay CIA ka fulisay caasimada Afhanistan ee Kabul.

 

Zawahiri ayaa qayb ka qaatay weerarkii September 11, 2001, kaas oo 4 diyaaradood oo rayid ah la afduubay kadibna lagu dhuftay labadii dabaq ee World Trade Center ee New York, xarunta wasaarada gaashaandhiga ee ku taal Pennsylvania, weeraradaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.


1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now