Amaanka Ilhan Omar oo loo baqay kadib markii madaxweyne Donald Trump uu bartiisa Twitterka soo dhigay fidiyow isku xiraya qudbo ay Ilhan jeedisay iyo dabaqyadii New York ee 2001 la weeraray.
Afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Maraykanka Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay la hadashay hayadaha maanka kadib fariintii Twitterka Mr Trump.
Ms Pelosi ayaa sheegtay inay cabsi ka qabtio amaanka xildhibaanadan ka tirsan xisbiga dimoqraadiga waxayna tir
"Kadib fariintii uu barta twitterka ku qoray madaxweyne Trump, waxaan la hadlay sarkaalka haysta amaanka congresska si loo qiimeeya amaanka xildhibaanad Ilhan, qoyskeeda iyo shaqaaleheeda. Waana sii wadidoonaa inaan la socono waxna ka qabano wixii qatar ah ee ay wajahdo" ayaa kusoo gabgabaysay hadalkeeda qoraalka ah.
Ilhan Omar oo Somaliya ku dhalatay ayaa fariimo hanjabaad loosoo diray laakiin Ms Pelosi ayaa hadalkan u danbeeya jeedisay kadib markii fariinta twtterka madaxweynuhu ku qoray "Waligayo iloobi mayno oo uu la socdo fidiiyow Ms Omar oo qudbaynaysa.

Ilhan Omar has been at the center of an escalating row following a speech she made about Islamophobia. Source: AAP
Qudbadii u danbaysay ee ay jeediso Ilhan oo kicisay murankan u danbeeyay ayay ku tiri" Waqti dheer ayaan dareemaynay inaan nahay muwaadiniin dabaqada labaad ah iyadoo ula jeeday Muslimiinta, waana nacnay, qofkasta oo muslim ah oo dalkaan ku noolna waa naco"
Afhayeenada aqalka cad Sarah Sanders ayaa difaacday fariinta twitterka madaxweynaha oo lagu eedeeyay inuu kicinayo rabsho iyo ganacan kahadal loo gaysto xildhibaanadan muslimada ah.
Ms Omar, oo ah xildhibaanad dimoqraadi ah oo lagasoo doorto Minnesota ayaa murankan u danbeeyay dhex gashay kadib markii ay qudbo looga hadlayay islam nacaybka ka jeedisay kulan ay qabteen urur muslimiinta Maraykanku leeyihiin (CAIR) waxaase dad badan ka caraysiiyay qaabka ay u dhigtay mar ay ka hadlaysay weerarkii sep 11 oo dad gaaraya 3 kun oo qof ay ku dhinteen markii diyaarado lagu weeraray dabaqyo ku yaal magaalada New York.
Ilhan qudbadeeda u dhigtay sidan ""some people did something." taaso macneheedu yahay "dad baa wax sameeyay" taasina waxay dadka dhaliishan Ilhan u macneeyeen inaysan wax waynba kasoo qaadin weerarkaas oo aysan xataa ku tilmaamain weerar argagixiso.
Wixii kasoo kordha kala soco www.sbs.com.au/somali