Xuutiyiinta ayaa gaadhsiiyeen Kuxigaha Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Yemen, Maciin Shuraym, in ay xidhi doonaan maritaanka maraakiibta caalamku ay isaga gooshaan Bada Cas, waa hadii ay Isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo ay sii wadaan culaysyada ay ku hayaan magaalada Alxadiidiya ee xeebta ku taala.
Salix Alsamaad, ahana madaxa Golaha Saree ee Siyaasada Xuutiyiinta, ayaa ku war galiyay Kuxigaha Ergayga Qaramada Midoobay ee Yemen, in hadii ayna istaajinin Isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo dardarta ciidan ee ay wadaan, in ay qaadani doonaan doorar dhawra oo horyaala, ayna ka mid tahay in ay Bada Cas ka xidhaan maraakiibta dunida.
Arintan ayaan la ogayn in Xuutiyiinta ay ka keentay culayska ay saareen Ciidamada Isbahaysiga, oo duqayma badan ka sameeya meela badan oo xuutiyiinta fadhiisima u ah, iyo in ay tahay taaktiig dagaal oo ay guula kale ku baadi goobayaan.
Waxaa jirtay in hada ka hor ay Xuutiyiintu gantaal ku tuureen wadanka Sucuudiga, iyagoo sidoo kalena warbaahinta qaar ay soo qortay in ay Somaliland ooga digeen, in hadii laga soo weeraro xeebaheeda in ay beegsan doonto Somaliland.
Bada Cas ayaa waxaa kulaaxaysa – kasokoow wadamada tirade badan ee dul dhaca – qaar ka mida awoodaha aduunka oogu tunka roon, sida Maraykanka, Faransiiska, Italy, Japan, Shiinaha, Imaaraadka, Turkiga iyo Israel.
Lama garan karo hadalka xuutiyiintu dhanbaalka dhabta ah ee uu xanbaarsanyahay, balse waxaa muuqata in ay dhinacooda giijisanayaan badan la ciir-ciiraysa ciidamada shisheeye iyo maraakiibtooda, tan iyo xiligii sheekada budhcad badeedku ay sababtay in awoodahaasi ay qoobka lasoo galaan biyaha Bada Cas.