Soo galootiguba siyaabo badan ayay ku fiicanyihiin.
Yuu yahay “ Mamoudou Gassama” halyayga dhcadada Faransa.
Dhacda tusaysa muhimada ay leedahay qadarinta bani-aadanka, ayaa ka dhacday wadanka Faransiiska. Waa dhacdada uu cunuga afarta sano jira uu dabaqa afraad isagoo ka laalaada, uu noqday badbaadiyahu wiil qaxootiya, oo waliba sharci daro ku jooga wadanka Faransiiska, kadibna sidaas abaalmarin wacan ka helay madaxweynaha wadanka Faransiiska.
Waa Kuma Mamoudou Gassama, muxuuse qabtay?
Mamoudou Gassama, waa wiil 22 jira, oo u dhashay dalka Maali. Waxa uu soo galay wadanka Faransiiska 2014. Sida ka cad warbixinada, wadanka Faransiiska waxa uu ku joogaa sharci daro, waxa uuna ka yimid dhanka wadanka Talyaaniga, isagoo sidoo kalena muda joogay wadanka Libiya, ka hor inta uusan soo galin Talyaaniga.
Talyaaniga ayuu Mamoudou sheegay in uu degenaansho ka haystay, balse wuxuu usoo tacabiray dhanka Faransiiska oo walaalkii oo ka wayn uu wax ka badan toban sano ku noolaa.
Waqtiga dhacdada ayaa sida uu sheegay Mamoudou, waxa uu la socday saaxiibkii. Saacaduna waxa ay ahayd 08:00 Pm, waqtiga maxaliga ah, iyagoo waqtigaa u socday in ay soo daawadaan ciyaaraha finalka Champion League.
Mamaadoo iyo saaxiibkii oo jidka socda ayaa arkay wiil yar oo dabaqa afraad balakoonkiisa ka laalaada iyo dad hoos tuban oo wax ay sameeyaan garan la’a.
Markaas iyada ah, dad aan yarayn ayaa guriga cunugu ka laalaado ama ka lusho hor tuban, iyagoo sawaxan oohina isku darayay, iyagoo wacayay gargaarka degdega ah, kana baqayay in waqtigu ku simi waayo imaatinka gargaarka degdega ah.
Balse gargaarkii degdega ahaa ee ay sugayeen, mid ka dheereeya ayaa yimid.
Mamoudou oo ah nin jir ahaan dhisan, ayaa waxa uu bilaabay isagoon ka fikirin in uu fanto gurigii dheeraa ee cunugu uu ka laalaaday, isagoo kaliya adeegsanaya gacmihiisa, ilaa uu afar dabaq ku fantay, nasiib wanaagna uu badbaadiyay wiilkii yaraa ee xaalada adg ku sugnaa.
Arinta fiirada gaarka leh ayaa noqotay, sida uu u awooday mudo 30 miridha gudaheeda, in uu ku gaadhay dabaqii afraad ee cunugu ka lushay, si dhaqsa ku jirtana u qabtay wiilkii, dhulkana si nabada ugu hubasaday.
Isagoo ka hadlaya badbaadinta uu cunuga badbaadiyay, waxa uu yidhi “Waxa aan arintaan u sameeyay waa ilmaha, caruurta waan jeclahay.. kama fikirin dabaqyada…kama fikirin khataraha… waan fantay guriga…waana mahad ilaahay in aan badbaadiyay”
Ujeedadii Mamaado intaas ayay ku dhamatay, ahaydna in uu badbaadiyo sabigaa yar ee dhibaataysnaa, waana uu ku guulaystay. Balse sheekadu ma dhamaanin,
Kaalinta Kameerada
Waxaa hubaala in muuqaalada laga duubay Mamoudou Gassama , marka uu badbaadinayay sabiga yar, in uusan balansanin TV ama idaacad amaba qof taleefoonkiisa ku duuba, si dunida loogu baahiyo.
Balse fadliga tichnologiyada casriga ah ayaa qof ama dad badanba oo ka mida dadka dhacdada la kulmay ay ku awoodeen in ay ku waariyaan sheekadan dhaxalgalka u ah dunda oo dhan, macnaha badana u samaynaysa marka koobaad Faransiiska marka xigtana dhamaan dunida inteeda kale.
Madaxweynaha Faransiiska iyo qadarintiisa dhacdada.
Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa isaguna aan yaraysanin, marka la eego dhanka badbaadinta qofka dhiban, marka la barbar dhigo badbaadiyaha sabiga oo ah Mamoudou.
Macroon oo garwaaqsaday waxa uu sameeyay Mamoudou, in ay tahay arin abaal marin iyo sharfid mudata, taageerana mudata, ayaa waxa uu beegsaday in uu daboolo baahida oogu badan ee qof soo galooti ah, oo Faransiiska jooga haysata, isagoona sidoo kale daneeyay in hibada uu Alle siiyay Mamoudou, in uu sidoo kale fursad u siiyo in uu ooga sii faa’iideeyo bulshada Farasiiska.
Macron waxa uu fiiriyay halka Mamaado uu ka dhibanyahay, isagoo ogaaday in uu yahay qof u baahan in loo ogalaado ka mid noqoshada bulshada Faransiiska, isagoo taa ka duulayana Macron waxa uu ku qaabilay daarta madaxtooyada ee Elysee, isagoo sheeka yar ka dib, oo ay is waydaarsadeen Mamoudou, ugu hanbalyeeyay in uu siinayo jinsiyada Faransiiska hadii uu danaynayo, ooguna daray in waaxda dabdamisku ay diyaar u yihiin in uu la shaqeeyo hadii uu diyaar u yahay, sababtoo ah xirfadaha looga baahanyahay shaqadaas ayuu muujiyay in uu hibo ahaan u leeyahay badankood, isagoon wax tababara galin.
Arinta aadka tix galinta u heshay dhanka qiimaynta uu saaray madaxweynaha Faransiisku shakhsiyada Mamoudou, ee uu abaal marinta ku mutay (haday sharci tahay ama shaqo), ayaa waxa uu Macron ku macneeyay , yidhina : “ Faransa waa dawlad danaynaysa caqliga, Mamaadoona waxa uu si adag u muujiyay in uu caqli haysto.
Madaxweynaha faransiiska ayaa sidoo kale u sheegay Mamoudou, in uu yahay geesi, leeyahayna xirfado wacan, kaliyana uu u baahanyahay dhiira galin, una sheegay in uu tusaale wacan u noqday malaayiinta daawatay muuqaaladiisa.
Macron, ayaa sidoo kale fursadaan ooga faa’iidaystay in uu shacabka Faransa ku booriyo in ay tix galiyaan dadka soo galootiga ah, yidhina “ waxa uu sameeyay Momoudou waa mid amaan iyo xushmad mudata”.
Mamoudou ayaa isagu hada ku jira maalma ka duwan kuwii uu horay oogu soo qaatay Faransa, isagoo hada noqday xidiga shaashada TV yada iyo wargaysyada iyo sidoo kale idaacadaha, taasina ay dhici karto in ay usii furto fursada kale oo uu ka faa’iidaysan karo, isagoo laga yaabo inuu buuxin karo wax ka badan hal shaqo, isagoo ku hadla luqada faransiiska, sababtoo ah Maali waxaa gumaystay Faransiiska.
Dhacdadan ayaa rajo badan ku beeraysa kumanaan soogalootiya, oo sharci dari ku dhex jooga daafaha Yurub, iyagoo aad u tamaninaya in qisada Momoudou ay kusoo jeediso aragtida dunida, si gaara dalalka ay ku noolyihiin, kana dul qaada shaabadaha sida wadarta ah loogu dhuftay, oo ah in ay khatar ku yihiin bulshooyinka ay ku dhex noolyihiin.
Halkan ka daawo muuqaalka Mamoudou uu sida baniaadanimada leh ugu badbaadiyay wiilka yar.