Impact NSW election win may have on federal poll.

What lessons can the federal parties take away from the NSW election?

Source: SBS

 

Guushii isbahaysiga ee doorashadii NSW ayaa kor u qaaday rajada dawlada Scott Morrison ee federalka.

Dawlada pemierada Liberalka ah ee gobolka NSW Gladys Berejiklian ayaa dib loosoo doortay sabtidii lasoo dhaafay iyadoo ku guulaysatay 46 kursi.

Xeer ilaaliyah guud ee dawlada federalka Christian Porter ayaa sheegay in natiijada NSW ay muujinayso in dawlada Morrison ee federalku ay ku guulaysan karto doorashada la filayo in la qabto bisha May inkastoo cod aruurunta la qaadayo ay tilmaamayaan in Laborku guulaysanayo.

Laakiin RW Scott Morrison ayaa sheegay inuusan hal gobol oo kaliya diirada saarayn inta ololaha uu socdo.

"Qayb kasta oo dalkaa waa ku xisaabtamaynaa, Melbourne, Bunbury, Townsville dhamaan muhiim ayay noo yihiin. Wadanka oo dhan waa mida dawaldu ay doonayso inay xaqiijiso inuu dhaqaale xoogan yeesho taasoo macneheedu yahay inaan maalgalino adeegyada asaasiga ah ee shacabku ku tiirsan yahay iyo dabcan inaan shacabka midayno."

Laakiin xildhibaannada madaxa banaan Kerryn Phelps ayaa Sky News u sheegtay in dawlada aqoonteeda iyo qibradeeda xaga dhaqaalaha su'aal layska waydiin karo.

"Marka la fiiriyo sida ay lacagaha ugu qarashgaraynaysay waxyaalo kala duwan iyo nidaamka ay u martay sida amaanka xeryaha dibada ee qaxootiga lagu hayo. Waxaan kaloo eegaynaa joojinta kordhinta lacagaha dhaqaatiirka lagu arko oo aan isleeyahay waxay noqondoontaa arin wayn oo ololaha doorasahda looga hadlo".


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand