Sida ay cadaynayso gabadha cunada ku takhasustay Qaza Albadwi, Soonku khatar kuma ah gabadha uurka ah iy ilmaheedaba, hadii ayna jirin cilada kale oo soonka ka baxsan oo gabadha haysta ama ay qabto.
Gabadhan oo warbixin siisay websitka Aljazeera.net, ayaa waxa ay sheegtay, in gabadha uurka ah ee qorshaynaysa in ay soonto, in ay haboontahay ugu horaynta in ay la tashato takhtarkeeda, si uu oogu sheego in ay soomi karto iyo in kale.
Qaza ayaa sheegtay xaaladaha qaar ee gabadhu ayna soomi karin, sida hadii dhiigu ku kacsanyahay, haday qabto cudurka sonkoroowga, dawadiisana qaadato, hadii ay ku jirto bilaha hore ee uurka, mantaq joogta ahna ay leedahay.
Hadii gabdha uurka ahi ay goosato in ay soonto, kadib markii ay la tashatay takhtarkeeda, markaas waa in ay dadaal dheeraada samaysaa dhanka ugaanshaha xaaladeeda, iyo sidoo kale cuntadeeda.
Waa in gabadha uurka ahi ay cuntaa cunta isu dheeli tiran, iyadoo badsanaysa : qudaarta , caanaha iyo cuooyinka caanaha laga sameeyo, iyo cuntada bortiinka (protein) laga helo sida hilibka, malayga, hilibka digaaga IWM.
Gabadhan ayaa ku talinaysa in gabadha uurka ahi ay isak yarayso ama iska dayso Shaaha iyo Qaxwada iyo wixii la xidhiidha, sababtoo ah jirka gabadha ayay qalayl u keenaysaa, sidoo kalena ay iska dayso cuntada dufanka ama saliidu ku badantahay, taasoo culays ama buuri u keenaysa. Isla mar ahaantaana waxay ku talinaysaa in biyo badan ay cabto 8-10 koob oo biya ah habeenkiiba.
Qaza, ayaa waxay ku talinaysaa in ay gabadha uurka ahi, ee soomaysa ay aad u dib dhigto suxuurta inta ay karto, taas oo siinaysa fursad in ay awood lahaato.
Ugu danbaynta Qaza Albadwi, ayaa waxay kula talinaysaa in gabadha uurka ah ay degdeg u afurto hadii ay isku aragto wareer ama waxa la dhihi karo indhaha oo si wareer ku jiro u maanseeya.