Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Masar: Dalxiisayaal dhaawac kasoo gaadhay qarax lalal beegsaday gaari basa oo ay saaraayeen.

Masar: Dalxiisayaal dhaawac kasoo gaadhay qarax lalal beegsaday gaari basa oo ay saaraayeen.

The bus with its shattered windows
A bus carrying 25 South African tourists near Egypt's Giza Pyramids has been hit by an explosion. (AAP) Source: AAP

Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa qarax lala beegsaday dalxiisayaal reer Koonfur-Afrika ah gaari basa oo ay saaraayeen, waxaa la sheegayaa in ugu yaraan ay 12 qof ku dhaawacmeen, dadkaas oo badankoodu Koonfur-Afrika u dhashay, goob u dhaw xaafada Giza, ee Ahraamaadku ay ku yaalaan.

Gaari dalxiisayaasha waday, kana soo baxay dhanka gagida diyaaradaha kuna sii jeeday mitxaf cusub oo laga agfuri rabo goobta Ahraamaadka caanka ahi ku yaalaan ee xaafada Giza, ayaa miina gacan ku samaysa, oo meel fog laga hagayay lala beegsaday.

Dadka dhawaca soo gaadhay ayaa u badnaa sida la sheegay dhibaata kasoo gaadhay daaqadaha baska oo dadka saaraa qaar haleelay, iyadoo la sheegay dhawr qof oo masaari ah oo ka ag dhawaa gaariga in ay sidoo kalke dhaawac kasoo gaadhay burburka daaqadahaas.

 Baska ayaa la sheegay in uu waday 25 dalxiisayaal Koonfur-Afrika kasoo jeeda, iyadoo ay jirtay in bishii December tii la dhaafay in qarax lagula beegsaday baabur basa, oo dalxiisayaal waday, isagoo marayay goob u dhaw Ahraamaadka oo ku yaala Xaafada giza, iyadoo ay ku dhinteen dhacdadaas afar qof oo sadex dalxiisayaal yihiin.

 


1 min read

Published

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now