Pakistan ayaa sheegtay inay soo riday labo diyaaradaha dagaalka Hindiya oo soo galay hawadooda.
Tan ayaa imanaysa kadib markii Hindiya ay weerar cirkaa ku qaaday gudaha Pakistan iyadoo sheegtay inay weerarkaas ku qaaday xeryo ay ku tababartaan shabakada Jaish-e-Mohammed .
Kooxdan ayaa sheegatay inay masuul ka ahaayeen weerar qarax gaari lagusoo xiray oo lagu dilay ugu yaraan 40 askari oo Hindi ah. Weerarkaas oo ka dhacay dhulka Kashmir oo lagu muransan yahay.
India iyo Pakistan oo labaduba haysta hubka nukluyeerka ayaa labduba sheegta Kashmir laakiin kiiba maamulo qayb ka mid ah.
Dhacdooyinkii u danbeeyay kadibna, milatariga Pakistan ayaa sii daayay fidiyow muujinya duuliye Hindi ah oo ay sheegeen inay qabteen.
Fidiyowga ayaa waxaa ka muuqda duuliyaha la qabtay oo su'aalo ay waydiinayaan milatariga Pakistan.
((Su'aal: "Xagee Hindiya ka timid?
Jawaab: "Ma qasabaa inaan idiin sheego? waa ka xumahay, koofurta ayaan ka imid.
Q: "Koofurtaad ka timid?
A: "Haa."
Q: Waa yahay, xaas miyaad leedahay?"
A: "Haa xaas ayaan leeyahya."))
Hindiya ayaa sheegtay inay filayso in si degdeg ah loosii daayo duuliyaha.
Fidiyowga ayaa soo baxay saacado kadib markii Raiisul wasaaraha Pakistan Imran Khan uu qudbo uu ka jeediyay telefishinka ugu baaqay dhigiisa Hindiya Narendra Modi wadahadal xiisada lagu qaboojiyo.
Mr Khan ayaa sheegay in dagaal uusan labada dalba dan u ahayn.
((KHAN))
(( "Marka la fiiriyo hubka labada dal haystaan, ma awoodnaa in midkeen qalad sameeyo oo isticmaalo hubkaas,, soo inaan ka fakarno ma ah in xaaladu kasii darto inay dhici karto in hubkaas laysu isticmaalo. cidna ma xakamaynkarto haddii taasi dhacdo..waa inaan arintan ku xalino wadahadal oo aan miiska fariisano.
India ayaa difaacday go'aanka ay weerarka cirkaa ugu qaaday gudaha Pakistan iyadoo sheegtay inay heshay sirdoon sheegaya in Jash-e-Mohammed ay maleegayaan weeraro kale.
Wasiirka arimaha dibada India Sushma Swaraj ayaa sheegtay in Pakistan iyo dhamaan dalalka looga baahan yahay in la joojiyo argagixisada.
((SWARAJ))
(( "Argagixisadu qatar ayay ku tahay binaadaanka oo dhan. sadex dal oo kaliya lama dagaali karaan. caalamka oo dhan waa inuu dagaalkaas ka qayb qaato. waxaan u baahan nahay iskaashi calamiya..
Muwaadiniinta India iyo Pakistan ayaa sheegay in xiisada sii kacaysa la dareemi karo.
Haddaba labadan dal oo haysta hubka dadka gumaada maxay kaloo haystaan.

Source: Stockholm International Research Institute