Madaxweynaha Iiran Xasan Rooxaani, ayaa Maraykanka ooga digay ka bixitaanka heshiiskii nukliyeeerka ee Maraykanka, Iiran iyo dalala Yuruba ay qaybta ka ahaayeen, isagoo sheegay in hadii Maraykanku ay talaabadaas qaadaan in ay ka shalayni doonaan.
Rooxaani oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay, in Maraykanku ayna waxyeelo u gaysan Karin shacabka Iiraan, sababa la xidhiidha khibrada Iiraan ay u leedahay dagaalada mudada dheera qaata.
Hadalkan Rooxaani ayaa yimid xili uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uu ku baaqay in heshiiska Nukliyeerka ee ay Iraan qaybta ka tahay, in uu Maraykanku ka bixi doono, hadii ayna dalalka reer Europe ee qaybta ka ah heshiiska ku guulaysanin dib u sixidiisa, isagoo Trump uu ku tilmaamay heshiiskani in uu yahay kii abid oogu xumaa ee Maraykanku uu galo.
Dhankiisa Rooxaani, ayaa sheegay in heshiiskan ay taageersan yihiin dhamaan dhinacyada ku jira marka laga reebo Maraykanka, isagoo sidoo kalena sheegay, in heshiiskani uu taageera ka haysto Qaramada Midoobay.
Dhinacyada Europe ee qaybta ka ah heshiiskan ayaa dhankooda muujiyay in ay rabaan sii jirida heshiiska, balse mar ay isku dayeen in ay Iiran kala hadlaan wax ka badalka heshiiska – ahana sida Maraykanku uu rabo – ayaa Iiraan ay si adag oogu gacan saydhay , iyadoo ku adkaysatay in ayna aqbalaynin faragalinta heshiiskaas.
Dhankiisa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa u qabtay 12 May, in hadii ayna dalalka Europe heshiiskaas Iiraan lala galay ay wax ka badali waayaan, in maraykanku ay ka baxayaan gabi ahaantiisaba.