Iran oo Maraykanka dacwo kusoo oogaysa.

A file image of Iranian President Hassan Rouhani

Iran's President Hassan Rouhani is under pressure to scuttle the nuclear deal with Europe. (AAP) Source: AAP


Maxkamada caalamigaa ee cadaalada ayaa sheegtay in Iran ay dacwo kusoo oogayso Maraykanka kadib markii Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran.

Dacwadan ayaa lagu sheegay in go'aankii Maraykanku bishii May uu cunaqbataynta ku saaray Iran wuuna uga baxay heshiiskii in taasi jabinayso xeerkii 1955 oo ka qeexaya heshiiyada dalalka dhexmara.

Sarkaal u hadlay wasaarada arimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in dacwadan aysan wax sharci ah ku dhisnayn Maraykankuna uu maxkamada kaga doodidoono.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iran uu la saxiixay madaxweynihii isaga ka horeeyay Barack Obama iyo quwadaha kale ee aduunka 2015 wuxuuna sidoo kale amray cunaqbatayno adag oo la saaro Iran.

Heshiiskaas nukliyeerka oo Trump uu u arkay mid qalad ah ayaa  iran lagaga doonayay inay joojiso barnaamujkeeda nukliyeerka ayna u ogolaato QM inay baarto isla markaana waxaa laga qaaday cunaqbatayntii saarnayd.

Maxkamada caalamiga ee cadaalada ayaa fadhigeedu yahay Hague waana maxkamada QM ee xalisa khilaafyada caalamiga ah.

 


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Iran oo Maraykanka dacwo kusoo oogaysa. | SBS Somali