Banaanbaxyadii ka socday wadanka Iran ayaa wali sii soconaya, iyaga oo ay afka sii galinayso todobaad.
Sida muuqata banaanbaxyadan ayaa mararka qaar rabshado ay ka dhex abuurmayaan, iyada oo ay wararka qaar ay sheegayaan dadka ku dhinty in ay ay kor u dhaafayaan 15.
Banaan baxayaasha ayaa muujinaya in ay kasoo horjeedaan siyaasada xukuumada madaxweyne Xasan Ruuxaani, ee dhanka bulshada iyo dhaqaalahaba, iyaga oo ka cabanaya kor u kaca sicirka cunada,batroolka, iyo canshuuraha cusub ee la soo rogay.
Codsiyada banaabaxayaasha ayaa waxaa ka mida istaajinta taageerida nidaamka Syria, iyo xulafada ay la yihiin saaxiibada Lubnan sida Xisbullah, iyo sidoo kale istaajinta taageerida Qaza, iyaga oo codsaday in dawladu ay usoo jeedsato xaaladaha gudaha ka jira wax ka qabadkooda, kuwaas oo shacabku ay u maara la’ayihiin. Mararka qaar ayaa banaanbaxayaashu waxa ay ku dhawaaqayeen in uu dhaco hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iraan Cali Khaamna’ii.
Dhankiisa madaxweyne Xasan Ruuxaani, ayaa qiray xaqa shacabku ay u leeyihiin in ay kasoo horjeedsadaan siyaasadaha xukuumada, isagoo sheegay in xukuumadiisu ay u aragto arintan fursad wax lagu sixi karo, wax dhibana ayna ku haynin nidaamka. Waxa uuna intaas ku daray in arimaha dhaqaaluhu ay u baahanyihiin wax ka qabad degdega.
Ruuxaani, ayaa intaas raaciyay in hadii loo baahdo shacaku ay banaanka usoo baxayaan iyagoo taageeraya dawlada, ayna hor istaagi doonaan kooxdan yar ee burburka u socota.
Ruuxaani, ayaa isagu u arka in ay jiraan banaan baxayaal codsiya dhaba tabinaya, balse ay jiraan in badan oo dhinacya shisheeye u adeegaya.
Banaanbaxyadan ayaa taageera ka helay Maraykanka iyo Israel, iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu yiri “waqtigii isbadalka waa uu soo dhawaaday”. Dankiisa Ra’iisulwarsaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in shacabka Iran waligood madaxa looga taagnaa, ayna mutaan xuriyad iyo cadaalad.
Dawlada Iraan ayaa iyadu sheegtay in ay jirto faragalin shisheeye, iyagoo xidhay qaar ka mida baraha bulshada, sababa ay ku magacaabeen ilaalinta amniga wadanka. Waxaana jirta tira badan oo banaanbaxayaasha ka mida oo la xidhay, balse dawladu ayna tirade sheegin.
Banaanbaxyadan ayaa kasokoow dadka rayidka ah ee ku dhintay kuna dhaawacmay, waxaa kaloo lagu dilay hal nin oo askari ah, laba kalana waa lagu dhaawacay, iyadoo dawladu ay sheegtay in isku dayo ay jireen in lagu qabsado goobo amaan, balse ay dawladu difaacday.
Dawlada ayaa muujinaysa in hadii ay xaaladu sidaan kasii darsato, in ay isticmaali doonto awood intaa ka badan, si aan khalkhal loo galinin xaalada degenaansho ee wadanka Iran.