Iskuulada Victoria oo dib loogu noqonayo

Victorian Education Minister James Merlino

Victorian Education Minister James Merlino has announced a return date for school students. Source: AAP

Wasiirka waxbarashada Victoria James Merlino ayaa sheegay in ardayda gobolku dib ugu laabanayaan fasalada iyagoo waqtiyo kala duwan ku noqonayo.



Wasiirka ayaa sheegay in la diyaarinayo hanaan lagu ilaalinayo amaanka ardayda, waalidiinta iyo macalimiinta oo ay ku jiraan ardayda dugsiyada sare oo lagu qasbayo inay afduub xirtaan iyo saacado kala duwan oo caruuta iskuulada lagu dejiyo lagana soo qaado.

Dhamaan ardayda reer Victoria ayaa fasalada ku noqonaya ugu danbayn 26 October kadib markii maamulayaasha caafimaadku ay diiwaan galiyeen 9 kays oo coronavirus ah maanta oo bisha October tahay 5, Sidoo kale waa markuu ugu horaysay mudo dheer oo qofna uusan u geeriyoon xanuunka.

Iyadoo ku xiran talooyinka caafimaad, ardayda fasalada 7 ayaa ku laabanayaa iskuulada si la mid ah ardayda dugsiyada hoose iyo kuwa dhigta maadooyinka VCE iyo VCAL 12 October.

Ardayda fasalada 8 ilaa 10 ayaa ku laabanaya fasalada 26 October.

"Maanta waa maalin wayn sababtoo ah waxaan ku dhawaaqaynaa inaan u xaqiijino dhamaan ardayda, shaqaalaha iyo waalidiinta in dib loogu noqonayo waxbarashadii fool ka foolka ahayd," ayuu yiri wasiirka waxbrashada James Merlino.




Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Iskuulada Victoria oo dib loogu noqonayo | SBS Somali