Jaaliyada Australia iyo Maalinta Xoriyada Somaliya

Munaasabada maalinta xoriyada Soomaaliya 01 July 1960, ayaa Magaalada Melbourne ee gobalka Victoria, Australia, calanka Soomaalia laga taagey kana garab babanayaa calanka Australia, goobta Federation Square. Federation Square ayaa ku taala magaalada Melbourne, waana goob caana oo munaasabadaha lagu muujiyo, waana halka ay ku taala Idaacada SBS ee Australia.

Somali flag

Somali flag Source: SBS

01 July waa Maalinta Xoriyada Soomaaliya,  ahna maalintii midowga labadii dhinac ee xoroobey (Gobalada Waqooyi 26 Juun (Jun) 1960) iyo ( Koonfurta Soomaaliya 01 Luuliyo (July) 1960.

01 July 1960 ayaa sidoo kale ku astaysan middawgii labadii dhinac ee Xoroobay, Gobalada waqooyiga (Somaliland) iyo Koonfurta Soomaaliya.
Somali independent
Source: Flickr
Madaxda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa xusay sanadkan labadaa munaasabood, sidoo kalena mar walba la xusaa.

01 July ayaa waxey udanbeysay todobaadka loo yaqaano “Todobaadka Xoriyada Soomaaliyeed, oo ay weheliso wadanka Jabuuti oo isna xoriyadiisa qaatay 27 Jun 1977, sidaasna ay maalmaha ( 26 , 27 Jun iyo 01 July) ku noqdeen todobaadka xoriyada Soomaaliyeed.

Jaaliyadaha Soomaaliya ee dibadaha ku kala nool ayaa iyaguna si kala gaar gaara u xusa munaasabada Xoriyadaha Soomaaliya.
Somali Flag Federation Square
Source: Madar
Wadanka Australia Jaaliyada ku nool ayaa xusta munaasabada xoriyada, kana kala dhacda gobalada Australia qaarkood.

Gobalka Victoria, magaala madaxdiisa Melbourne ayaa faras-magaalaha (CBD) goobta ugu caansan ee munaasabadaha lgu muujiyo (Federation Square) waxaa Saaka 01 July  lasudhay calanka Soomaaliya oo ka garab babanaya Calanka Australia.

 

 


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand