Jaaliyada Hindiya oo ka carootay go'aanka lagu joojiyay duulimaadyadii dalkaas ka imaan jiray.

India extends ban on international flights

The ban on international commercial flights operating to and from India has been extended till midnight December 31 Source: Twitter

Jaaliyada Hindiya ee dalkan Australia iyo ururada xaquuqul binaanka ayaa ka carooday go'aanka dawladu ay ku joojisay in dadku ka soo safraan Hindiya.

Duulimaadyadii Hindiya ka imaan jiray ayaa la hakiyay ilaa 15 May iyadoo COVID-19 uu faro kulul ku hayo dalkaasi.

Waxaa sidoo kale ay dawladu soo rogtay sharuuc adag oo la xariirta dadka si sharci daro ah uga yimaada Hindiya.

Sharcigan cusub ayaa lagu sheegay in qofkii jabiya xanibaada safar uu mutaysan karo 5 sano oo xarig ah ama 66 kun oo doolar oo ganaax ah.

Waxaa wali ku sugan dalka Hindiya ku dhawaad 9 kun oo ah muwaadiniin Australian ah oo 650 ka mid ah lagu tilmaamay inay yihiin dad nugul.

Wasiirka caafimaadka dawlada federalka Greg Hunt ayaa difaacay go'aanka dawlada isagoo kala mid dhigay xanibaadii safar ee la saaray China bilowgii faafka coronavirus sanadkii la soo dhaafay.

"Duulimaadyadii China ee aan mamnuucnay, oo waagaas aad loo dhaliilay wuxuu noqday go'aankii ugu muhiimsanaa ee loo qaaday dhankaa caafimaadka, go'aamadaas waxaa loo gaara in lagu badbaadiyo shacabka Australia oo laga difaaco mawjadii sadexaad ee coronavirus, mana ah mid aan si fudud u gaarnay." 


Share

2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand