Jawar Mohammed supports more seats for Somali State in the National Parliament

Interview with Jawar Mohammed

Jawar Mohammed Source: SBS Amharic

Qoraal uu dhawaan u diray Madaxweynaha Dawlada Somali State ee Ethiopia, Mustafa Cagjar gudiga doorashada qaran ee Ethiopia ayuu kaga dalbaday in kuraasta ay Soomaalidu ku leedahay baarlamaanka la kordhiyo.
Mustafe Cagjar
Madaxweyne Mustafe Cagjar Source: Garowe online
Dawlad Deegaanka Soomalida ayaa hadda ku leh aqalka hoose ee baarlamaanka Ethiopia 23 kursi oo kaliya iyadoo Soomaalidu tahay qowmiyada sadexaad ee ugu badan Itoobiya. Waxaa ka badan Oromada iyo Amxarada.

Haddiise layku dardaro qowmiyadaha layku yiraahdo reer koofurka waxay Soomaalidu galaysaa tan afraad ee ugu badan Itoobiya.
Cagjar Letter
Source: Facebook
Warqada uu diray madaxweyne Cagjar ayaa lagu yiri "Marka la eego tirakoobkii 1987 dii tirada Soomaalidu wuxuu ahaa3,198,154 Malyan, waxaana laga siiyay baarlamaanka 23 xubnood waxaanse dastuuriyan xaq u leenahay 9 xubnood oo dheeraad ah."
CIA Factbook
Source: CIA.gov
Haddii codsiga madaxweynaha gobolka Soomaalida la aqbalo waxay Soomaalidu ku yeelanaysa baarlamaanka 32 kursi iyadoo qiyaastii u danbaysay ee lagu sameeyay qowmiyadaha Itoobiya ay muujinayso in Soomaalidu hadda ka tahay 6.2% shacab waynaha Itoobiya oo guud ahaan gaaraya 108 malyan. Qiyaasta u danbaysay ayaa la sameeyay 2018, taasoo macneheedu yahay in Soomaalidu hadda dhan tahay 6.7 malyan oo qof.

Waxaa in tirada xubnaha Baarlamaanka Soomalida la kordhiyo taageeray Jawar Mohammed oo siyaasada Itoobiya hadda saamayn wayn ku leh ahna nin Oromo ah oo taageero badan ku leh qowmiyada Oromada.
Fariin uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu Jawar ku sheegay in Soomalidu xataa ay mudan tahay in la siiyo ugu yaraan 40 xildhibaan maadaama ayuu yiri ay Tigreega oo ka yar Soomaalidu ay haystaan 38 xildhibaan.

Madaxda Soomalidu ayuu yiri waa inay dalbadaan 40 kuraas.

 


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand