Dalka Urdun ayaa sheegay inay ku talojirto inay joojiso kiraynta labo dhul oo ay hore uga kiraysay Israel 1994 markaas oo labada dal ay saxiixeen heshiis nabadeed.
Labadan dhul ayaa la kala yiraahdaa Naharayim oo woqooyiga ah iyo Tzofar oo koofurta ah.
Kiraynta dhulkan ayaa ahaa 25 sano wuxuuna heshiiskaas dhacaya dhawaan haddii aan la cusboonaysiin.
Raiisul Wasaaraha sraeli Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkii wadahadal kala galayo Urdun sidii loosii dheerayn lahaa heshiiskaas.
Laakiin boqorka Urdun ayaa sheegay in dalkiisu doonayo in lasoo afjaro kirada ay labadan dhul oo cabirkoodu gaarayo 1,000 acres ku beertaan beeralay Isrealiyiin ah.