Labaatan iyo afar kays oo cusub oo COVID-19 ayaa laga diiwaan galiyay NSW.
Todoba iyo toban ka mid ah kaysaskan ayaa lala xariirinayaa kuwo hore loo helay, waxaana socda baaritaano lagu doonayo in lagu ogaado halka todobada kale ka yimaadeen.
Premieradda NSW Gladys Berejiklian ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in kala bar dadka laga xanuunka ay bulshada ku dhex jireen iyagoo caabuqa qabay.
Waxay intaas ku dartay in maamulayaasha ay arkayaan dad badan oo guryohooda ka baxaya iyagoo dareemaya calaamadaha xanuunka kadibna iyaga oo aan ogayn dad kale sii qaadsiinaya.
"Ma kari karno in dad qaba caabuqa ay howl maalmeed kooda iska wataan. Sababtoo ah bandow ayaan ku jirnaa, goobaha martisoorku way xiran yihiin, marka qatar ma keenayaan, laakiin waa dadka iska baxaya oo howlohooda iska wata sida inay dukaamo iska aaddaan ama dad kale ay la kulmaan, taas oo keenaysa in caabuqu sii faafo."
Dhanka kalana dawlada NSW ayaa ku dhawaaqday inay furayso xarumo talaal Wollongong, Macquarie Fields iyo Sydney C-B-D.