Kaysaska cornavirus-ka Victoria oo aad kordhay

Victoria has recorded no new coronavirus cases for the first time since the pandemic began.

Victoria has recorded no new coronavirus cases for the first time since the pandemic began. Source: AAP

New South Wales ayaa ka fiirsanaysa inay mar kale soo rogto xanibaadihii safarada gobolada iyadoo kaysaska coronavirus ee Victoria ay kordheen.

Victoria ayaa xaqiisay 19 kays oo COVID-19 ah shalay oo ahayd Axad 21 June, taasoo gaarsiisay tirada guud ee kaysaska dadka qaba xanuunka in ka badan 120 qof.

Xanibaadihii la qafiifin lahaa ee gobolka Victoria ayaa dib loo dhigay iyadoo gobolku galayo 4 asbuuc oo xaalad degdeg ah.

Premierada gobolka New South Wales Gladys Berejiklian ayaa asbuucii lasoo dhaafay diiday talooyin ahaa in la mamnuuco dhaqdhaqaaqa u dhexeeya labada gobol ee Victoria iyo NSW.

Laakiin ku xigeenka premierka NSW John Barilaro ayaa Chanell 7 u sheegay in kaysaska cirka isku shareeyay ee Victoria ay qatar wayn ku hayaan.

"Si cad ayaan hore u sheegnay sidaan u doonayno in xadadku furnaadaan iyadoo la eegayo difaacida bulshada iyo dhaqaalaha. Laakiin arinta Victoria walaac ayay nagu haysaa. Waxaan isku dayaynaa inaan ka baxno dhibaatada COVID-19. Xanibaadaha ayaan qaadaynaa, qatar ayaase noogasoo wajahan Victoria. Marka maanta ayaan arintaas kala hadlaynaa Premierada iyo golaha wasiirada. Waxaa dhici karta in nooc xanibaado la saaro xadka, laakiin waxaa dhici karta inaynaan gabi haanba xirin xadka. Arintu waa sidaan u maarayn lahayn cida soo galaysa xadka iyo waxaan dhankeena ka samayno," ayuu yiri Mr Barilaro.
NSW Deputy Premier John Barilaro.
NSW Deputy Premier John Barilaro. Source: AAP
Tan ayaa imanysa kadib markii gudiga caafimaadka ee dawlada federalka la taliya uu ka digay in loo safro 6 golaha deegaanada dawladaha hoose ee Victoria maadaama coronavirus uu ku kordhay xaafadahaas.

Gudigan oo loo soo gaabiyo AHPPC ayaa aad dadka ugu digaya inay u safraan ama ka safraan deegaanada Hume, Casey, Brimbank, Moreland, Cardinia and Darebin.

Wasiirada booliska Victoria Lisa Neville ayaa sheegtay in hay'adda sharci fulinta la xoojin doono si loo hubiyo in dadku u hogaansamaan sharuucda.


"Boolisku waa diyaar inay sidaas u howlgalaan. Siday horeba u howlgali jireen way ganaaxayaan cidii si ula kac ah u jabiya sharciga. Marka dadka waa inaan shaki ka galin in arintu aysan cayaar ahayn, dhamaanteena door ku leenahay, booliskuna si adag howshooda u gudanayaan," ayay tiri wasiirada Neville.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Kaysaska cornavirus-ka Victoria oo aad kordhay | SBS Somali