Wali waxaa sii socda muranka u dhexeeya dawladaha Kenya iyo Soomaaliya oo ku aaddan xad badeedka labada dal u dhexeeya.
Dawlada Soomaliya ayaa hore dacwad arintan ku aaddan gaysay maxkamada cadaalada ee caalamiga halkaas oo go'aan laga dhowrayo.
Dawlada kenya ayaa marwalba iyadu ku adkaysanaysay inay doorbidayso in labada dal ay iyagu ka wadahadalaan khilaafkan ee aan loo baahnayn gacan sadexaad amaba maxkamada.
Shacabka Soomaalida meelkastoo ay joogaan ayaa intooda badan isku raacsan in badda laysku hayo ay Soomaaliya leedahay.
Dood aan u qabanay qaar ka tirsan jaaliyada Melbourne halkan ka daawada.
Waraysiyo hore: