Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Tira ka mida ciidamada Kenya oo lagu dilay xadka Kenya iyo Soomaaliya.

11 ka mida askatra Kenya oo lagu dilay xadka u dhexeeya Soomaliya iyo Kenya.

destruction of Kenya army car.
Source: Daily Nation

11 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa ku dhintay maalintii Sabtida aheyd xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, iyagoo gaarigii ay wateen uu dul maray walxaha qarxa oo jidka loogu aasay.

Ciidamadan ayaa iyagu samaynayay kor-meer ay ku ilaalinayeen aagag ka mida xadka dheer ee Kenya ay la wadaagto wadanka Soomaaliya, ahna jidka Liboye-Dhamajale.

Qaraxan ayaana wali cidi sheeganin masuuliyadiisa, balse warbaahinta Kenya qaar ka mida ayaa sheegay in loo malaynayo in ay Alshabaab ka danbeysay.

Dhankiisa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa uga tacsiyeeyay qoysaskii ay askartaasi kasoo jeedeen, isagoo u xaqiijiyay in dawlada Kenya ay garab taagantahay.

Uhuru ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal uu socdo lagu daba joogo dhinacyadii falkaas gaystay.

Dhacdadan ay ku dhinteen 11 askari ee Kenya ayaa imanaysa isla maalintii ay wafdiga balaadhan ee Kenya ka socday ay ka qaybgalayeen munaasabada caleema saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, caleema saarkaas oo ay qaadacday dawlada Federalka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena mamnuucday in diyaaradi ay toos Kismaayo u aado, tan oo u muuqatay in wafdiga Kenya aynan dhag jalaq u siinin.

 


1 min read

Published

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now