Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Kooxo dawlada ka codsaday in lacagaha jobkeeper la kordhiyo

JobSeeker
People are seen in a long queue outside a Centrelink office in Brisbane, Tuesday, March 24, 2020. Source: AAP

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Australia Michael McCormack ayaa sheegay in dawladu wali wado dibu eegid ay ku samaynayso lacagaha lagu kabayay dadka shaqooyinkooda ku waayay Coronavirus Jobseeper.

Kooxaha matala ganacsatada ayaa ku biiray kuwa u ololeeyay daryeelka dadka tabaalaysan waxayna labadan kooxood ku baaqayaan in lacagaha dadka shaqo la'aanta ah la siiyo lagu kordhiyo ugu yaraan $75 asbuuciiba.

Warbixin cusub oo ay soo saartay machadka Grattan Institute oo fadhigiisu yahay Melbourne ayaa ka digay in lacagahaas dadka lagu taageerayay dhaqaalahana lagu kobcinayay si degdeg ah loo jaro.

Warbixintan ayaa ku talisay in lacagaha jobseeker lagu daro ugu yaraan $100 asbuuciiba.

Laakiin Mr McCormack ayaa sheegay in dawladu doorbidayso in dadku shaqo helaan ee aysan ku noolaan cayr.

"JobSeeker oo hore loogu yaqaanay Newstart waxaa kaliya oo loogu talo galay in dadka lagu caawiyo inta ay shaqo ku noqonayaan. Waxaan waligayo lahayn waxa ugu fiican ee qofka loo qaban karo waa inuu shaqo helo. Ma dafirayo inay waqti adag ku jiraan dadka shaqooyinkoodii waayay, dadkaas oo waligood shaqayn jiray, si lama filaan ahna ugu biiray safafka cayrta. Waan fahmayaa in dadkaas ay arintu ku adag tahay waana sababtaas taan dibu eegid ugu samaynayno," ayuu yiri Mr McCormack.


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now