Lataliyaha xaga amaanka ee Madaxweyne Donald Trump ayaa iscasilay kadib fadeexad la xariirta xiriir uu la sameeyay safiirka Ruushka u jooga maraykanka maalmo ka hor inta aan la caleemasaarin Mr Trump. Waxaa la sheegay inuu kala hadlay cunaqabataynta la saaray Ruushka.
Iscasilaada ayaa waxaa markii u horeysay soo wariyay Televisionka CNN, waan caqbadii ugu waynayd ee ku timaada madaxweyne Trump ilaa iyo hada.
Decenbertii lasoo dhaafay ayay ahayd markii madaxweyne Obama uu ku dhawaaqay cunaqbatayn la saaray Ruushka iyo 35 saraakiil sirdoon Ruush ah oo dalka laga saaray iyadoo looga jawaabayay faragalin Ruushku ku sameeyay doorashadii November oo ay Ruushku doonayeen in Trump guulaysto.
Flynn ayaa markii hore dafiray inuu ka hadlay arinta cunaqabataynta markuu la hadlay safiirka Ruushka Sergey Kislyak. isagoo sheegay inuu kala hadlay Telefoon ay ku wadahadli doonaan labada madaxweyne ee Ruushka iyo Maraykanka isagoo sidoo kale uga tacsiyeeyay dilkii safiirkii Ruushka u joogay Turkey oo toogasho lagu dilay.
Laakiin waxuu jaraaidka Washington Post helay waxay kuwada hadleen oo qoraal ah.. wuxuu sidoo kale jaraaidku qoray in saraakiil ka tirsan wasaarada cadaaladu ay maamulka Donald Trump uga digeen asbuucyo ka hor inay dhici karto in ninkan uu Ruushku saamayn ku yeeshay.
