Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Laba Musharax Ayaa Usoo Gudubtay Wareega Labaad Doorashada Farnsiiska

Wareega labaad Doorashada Faransiiska & Laba siyaasi oo Siyaasadooda kala Fog
Wareega labaad Doorashada Faransiiska & Laba siyaasi oo Siyaasadooda kala Fog Source: AP

 

SBS, Somali : Wareegii Labaad Ayaa laisugu soo haray Doorashadii Faransiiska ee Axadii laqabtay

Codbixintii loo dareeray Malaintii Axada Aheyd ee Doorashada madaxtinimo Dalka faransiiska ayaa hada waxaa waregii labaad Usoo Gudbay laba Musharax oo siyaasadahooda kala duwam Emmanuel Macron oo iyaasadiisu Dhexdhaxaad ah iyo Haweeneyda lagu magacaabo Marine Le Pen oo siyaasadeedu Midigta Fog ah ayaa isugu soo haray wareega kama dambeysta ah ee doorashada madaxtinimo ee dalka faransiiska oo laguw ado in laqabto 7da May bisha soo aadan Hadaba codadkii la dhiibtay doorashaddii wareegga koobaad ee Axaddii dhacday ayaa Macron wuxuu helay 23.9% halka Haweeneyda Le Pen ay ka heshay 21.4%.

Macron oo horey uga mid ahaa golihii wasiirada dawladii hada dhacday ayaa iska casilay xilkiisa wasiirnimo kadib markii uu sameystya xisbi siyaasadeed cusub waa nin aad u dhalinyra aha da’diisuna lasheegay iney tahay 39sanno waxana uu noqonayaa hadii uu xilka ku guuleysto hogaamiyaha ugu yar dalka faransiiska soo maro qabashada xilka madaxtinimo mudooyin sanado lagajoogo.

 


1 min read

Published

By Ibrahim Mohamed

Source: SBS Somali


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now