Labo gabdhood oo iskuulkoodu ku amray bixiyaan timaha tidcan ee u xiran

Twins hair bairds

Source: The age/Eddie Jim

 
Waxaa Australia aad loogu yaqaan dhaqamada kala duwan oo ah mid xoojisa bulshada. ku dhawaad kala bar dadweynaha Australia waxay ama ay ku dhasheen dalka dibadiisa ama mid ka mid ah waalidkood ayaa dalka dibadiisa ku dhashay.

Xaqiiqdaas ayaa ah mid aad loogu dabaaldego, waxayna qani ka dhigtaa bulshadeena iyo dhaqaalaheena.

Waxaana dhawaan soo baxay tusaale muujinaya sida buldshadu ugu dabaaldegto kala duwanaanta.  Warbaahinta Fairfax ayaa dhawaan soo warisay in labo gabdhood oo mataano ah oo 16 jiro ah, Grace iyo Tahbisa oo ku dhashay Koofurta Sudan uu iskuulka ay dhigtaan ku amray inay bixiyaan timo tidcan oo dheer oo gabdhaha madowgu inta badan xirtaan kuwaas oo labadan dhabdhoow ay xiran jireen ilaa yaraantoodii qayb wayna ka ah dhaqankooda.

Joornaalka qoray arintan ayaa waxaa soo gaaray fariimo farabadan oo lagu taageerayo labadan gabdhood oo dhigta fasalka 11 ee dugsiga sare.. Gabdhaha laftigooda ayaa fariimo badan oo taageera ah loogusoo diray baraha Facebook kadib markay waxa ku dhacay ku qoreen Facebook Page ay leeyihiin koox isku magacowda haweenka midabka.

Maamulaha iskuulka ayaa si sax ugu danbayntii uga jawaabay muranka arintan ka dhashay iyadoo ka noqotay go'aankii hore.. Waxayse maamulaha iskuulku markii hore ku adkaysatay in amarkan uusan shaqo ku lahayn halka gabdhahan ay kasoo jeedaan ee amarku ka turjumayay siyaasada adag ee darayska iskuulka lagu dhigto oo ardayda oo dhan laga doonayo inay ku dhaqmaan..

Iskuulkan Bentleigh Secondary College ayaa markiiba dareemay culayska iyo cadaadiska arintan ka dhalatay wuxuuna markiiba saxay qaladkoodii.. Taageerada gabdhahan loo balanqaaday ayaa waxaa ka mid ahaa qareemo yiri anaga maxkamad iskuulka la aadayna iyadoo ay dhici karto in iskuulka lagu helo inuu soocid ku sameeyay gabdhahan.

The Victorian Equal Opportunity iyo Human Rights Commission ayaa uga digay iskuulka in siyaasadooda darayska iskuulku ay ku dhacday inay ixtiraamto dhaqanka ardayda.

INkastoo sharuucda gobolkan Victoria ay u ogol yihiin iskuulada iyo hayada waxbarsho inay darays macquul ah u dhigaan iskuulka hadana waa inay u miisaamaan waajibaadka ka saaran inaysan dadka soocin.

Dhacdo taa la mid ah ka dhacday iskuulo kale iyadoo ardayda ay saamaysay ay mareen dhibaatooyin ay ku jiraan inay iskuul kale u wareegaan..

 



Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand