Ra'isul Wasaare Scott Morrison ayaa diiday eedo uu xisbiga Laborku u soo jeediyay oo ahaa in xiriirka Australia ay China la leedahay uu sii xumaaday intay isbahaysigu xilka hayeen.
Ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga Laborka Richard Marles oo kasoo noqday booqasho shaqo oo uu ku tahay caasimada Beijing ayaa sheegay in China aysan sidii hore wax waynba kasoo qaadin Australia.
Wuxuu sheegay in xaalada xiriirka labda dal uu meel xun marayo.
Laakiin Mr Morrison ayaa sheegay inaan taas waxba ka jirin.
"Waxaan ku boorinayaa Laborka inaysan is wareerin oo aysan sidii dad aan waxba garayn u dhaqmin, oo ay muujiyaan qaangaarnimo marka laga hadlayo xiriirka China, aysana raadin inay hadalo lidi ku noqon kara xiriirka sheegaan gaar ahaan markay dalka dibadiisa ku sugan yihiin," Ayuu yiri Mr Morrison.