Dadka qaata lacagaha howlgabka da'da iyo kuwa naafada ayaa 20 doolar lagu kordhibayaa si ay uga caawiso sicir bararka sii kordhay.
Kororkan ayaa $20.10 loogu kordhinayaa labadii todobaadba qofka kaligii ah oo lacagta ay qaataan gaarsiinaysa $987.60 halka lamaanaha loogu darayo $30.20 oo lacagta la siiyo gaarsiinaysa $1,488.80.
Qiimaynta hantida dadku haystaan ayaa la balaarinayaa si dad badan loogu ogolaado inay lacagaha howlgabka xaq u yeeshaan. Hore qofka kaliya ee guriga leh hantidiisu waa inaysan dhaafin $6,750 hadase $599,750 ayaa laga dhigay.
Lamaanayaasha guriga leh waxaa awal waxay ahayd inaysan hantidoodu ka badnayn $10,000 hadase waxaa la gaarsiiyay hantidooda $901,500.
Ku dhawaad 5 milyan oo qof oo Australian ah ayaa qaadanaya lacagahan cayrta ee la kordhinayo.
Wasiirada adeega bulshada Anne Ruston ayaa sheegtay in lacag kordhintan lala simayo kororka sicir bararka macneheedu yahay in dadka cayrta qaata ee ku tiirsan lacag jeebka loo galinayo.

Social Services Minister Anne Ruston. Source: AAP / LUKAS COCH/AAPIMAGE
Waxaa jiray baaqyo lagu doonayo in lacagaha la siiyo dadka naafada ah ee loo yaqaan disability support pension (DSP) la kordhiyo oo $100 lagu daro labadii todobaadba si heerka nolosha dadkaasi kor loogu qaado, iyadoo markii lacagtaas dhawaan la kordhiyo oo la faarsiiyo $987.60 ay ka hoosayso mushaarka ugu yar ee dalka laga bixiyo oo hadda ah $1,545 labadii todobaadba.
Bishii la soo dhaafay dhagaysi ka dhacay aqalka Senatka ayaa loo sheegay in lacagtaas la siiyo dadka naafada ah aysan ku filnayn si ay si ku haboon u daboosho baahiyaha dadkaas ku tiirsan daqliga cayrta oo haddii kale qatar ugu jira saboonimo.