Cod aruurin cusub ayaa muujinaysa in Scott Morrison oo aad uga horayn jiray Bill Shorten maray noqoto kan shacabku doorbidayaan inuu noqdo Raiisul Wasaare in hadda ay soo yaraatay iyadoo Laborku wali ku hogaaminayo isbahaysiga tiro ay doorashada ay ugu guulaysan karaan.
Joornaalada The Sydney Morning Herald iyo The Age ayaa qoray in 45 % codbixiyayaashu ay door bidayaan in Scott Morrison noqdo RW halka 40% ay doorbidayaan Mr Shorten.
Farqiga u dhexeeya ayaa ah 5% marka loo eego cod aruurintii la qaaday bishii hore oo farqigaas uu ahaa 11%.
Cod aruuruntan laga qaaday 1200 oo qof ayaa sidoo kala lagu ogaaday in laborku isbahaysiga ku hogaaminayo 52% oo labaorka ah iyo isbahaysiga oo 48% codadka la qaaday.
Dhanka kalana iyadoo maanta ay bilaabatay bisha barakaysan ee Ramadan ayay hogaamiyayaasha muslimiinta Australia waxay ugu baaqayaan siyaasiyiinta dalka inay meel cad iska taagaan cunsuriyada muslimiinta lagu hayo ayna joojiyaan inay laftigoodu qayb ka qaataan dhibaatada.
Golaha Iimaamada Australia ayaa sheegay in siyaasiyiinta masuuliyad ka saaran tahay inay ka fogaadaan hab dhaqanka dadka kala qaybinaya aysan isku dayin inay ka faaidaystaan cabsida iyo kalsoonidarada dadku qabaan.
Hadalka Imaamada ayaa imanaya kadib markii musharixiin ka tirsan xisbiga LIberalka oo u tartamaya doorashada federalka lagu qabtay hadalo xun oo ay muslimiinta iyo islamaka ka sheegeen waayo hore.
Xalay ayaa waxaa bilowday bisha Ramadan waxayna golahan rajaynayaa in bishan ay fursad u noqoto waqto meesha laga saaro waxyaalo qaldan oo muslimiinta laga aaminsan yahay.