SKIP TO MAIN CONTENT

Latest on bush fires raging in the country

Bushfires
Bushfire in NSW Source: AAP

1 min read

Published


Skip to article content

Labo qof ayaa dhintay iyadoo dababku ka gubanaya bariga gobolka Victoria iyo NSW.

Aabe iyo wiilkiisa ayaa ku geeriyooday Cobargo oo ku taal xeebaha koofureed NSW halka qofkale lagu la'yahay galbeedka Naroomaa.

Premiyarada gobolka NSW Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in baalayiishii Tel dabku burburiyay taasoo adkaynaysa in dadku isla xariiraan oo iska warqabaan.

"Maadaama kaabayaashii qaarkood dhaawac soo gaaray taasi waxay adkaysay isxiriirintii dadka, waana garankarnaa in dad badan ka walaacsan yihiin badqabida qoyskoodii maanta, laakiin waxaan dadka ka codsanaynaa inay is dejiyaan," ayay tiri Premiarad Berejiklian.

Waxaa sidoo kale ku burburay dababka guryo ku yaal labada gobolba.

Waxaa digniin degdeg ah loo saaray gabi ahaanba bariga Gippsland ee Victoria.

Madaxa maaraynta adeega degdegaa ee Victoria Andrew Crisp ayaa sheegay in afar qof la la'yahay.

"Marka laga hadlayo dadka wali maqan waa afar. Tiradaasi isma badalin walina waxaan isku dayaynaa inaan helno" ayuu yiri Mr Crisp.


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now