Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Latest on bushfires in NSW

Firefighters prepare to take to the skies as NSW's bushfire threat soars.
Firefighters prepare to take to the skies as NSW's bushfire threat soars. Source: Firefighter Dispatch

Qaybo badan oo ka mid ah gobolka NSW ayaa wali wajahaya qatarta dadbab masiibo ah iyadoo cimiladuna aysan caawinayn.

52 dabab ayaa ka gubanaya gobolka iyadoo ilaa 30 aan wali la xakamayn halka 13 ay ku jiraan heerka ugu qatarsan.

Maamulayaasha ayaa gaar ahaan isha ku haya dababka ka gubanaya Hillvilee oo ku dhaw Taree ee xeebaha woqooyi gobolka, waxay kaloo isha ku hayaan dabka Nimbin, iyo Mount Gosper oo woqooyiga kaga aaddan Sydney.

Madaxa dabdamiska miyiga Shane Fitzsimmons ayaa sheegay in dabaysha iyo kulalyku ay xaalada ka dhigayaan mid qatar ah.

"Waxaan aragnaa maadaama ay dabayluhu kordhayaan in qatarta dabkuna sii badanayo aagaga sida koofur galbeed Sydney, Southern Highlands, iyo South Coast. Xaqiiqdu waxay tahay in xaaladu kasii darayso, aysana kasoo raynayn saacadaha soosocda gaar ahaan galabta oo Talaado ah markaas oo heerkulka iyo jawiga oo qalalan iyo dabaylaha oo sii xoogaysanaya intaas oo isbiirsaday ay saamaynayaan sida dabku ku socdo." ayuu yir Mr Fitzsimmons

600 oo iskuul ayaa la xiray gobolka oo dhan maanta oo Talaado ah dabka awgiis.

Sadex qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhintay dabka iyadoo ugu yaraan 150 gurina uu burburiyay.


2 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now