Wararkii u danbeeyay ee weearkii London

London attacks June 3

London attacks June 3 Source: Press Association


Baaritaan lagu wado sidii loo helilahaa macluumaad dheeraad ee ku saabsab weerarkii u danbeeyay ee London ayaa waxaa kasoo baxaya warar laga helay dadkii wax soo gaareen iyo goobjoogayaal kale.

Dadka lagu dilay ama dhaawacmay ayaa u dhashay dalal ay ka mid yihiin France, Canada, New Zealand iyo Australia


Britain ayaa la harjadaysa weerarkii sadexaad mudo sadex bilood ah kadib markii 3 nin ay gaari marsiiyeen dad ku lugaynayay buunadada London Bridge, kadibna gaarigii ka degay oo bilaabay inay tooreeyeeyaan dadkii goobta joogay.

Booliska ayaa toogtay 3 dii nin daqiiqado kadib markii lasoo wacay.

 Carolina Mayo oo ah dalxiise u dhashay Spain oo ku sugnaa Hoteel goobta ku dhaw ayaa sharaxay sida wax u dheceen.       

"Booliska ayaa joogay waxayna nagu dhaheen ka baxa hoteelka oo ha ordina ee socod boobsiiya, kadibna waxaan tagnay meel aanan garanayn waxaan joognay halkaas 10 daqiiqo.. Islamarkiiba nin ayaa noo yimid oo yiri maqaayadayda soo gala sababtoo qaarkayo xataa kabo ma wadan, qaar waxay xirnaayeen dharkii hurdada".


Dad kale ayaa loo xiray weerarka. Booliska ayaa sheegay inay yaqaanaan haybta 3 nin ee weerarka qaaday.


Raiisul Wasaarada Britan Theresa May ayaa ka hadashay weerarkan u danbeeyay iyadoo shir degdeg ah la qaadatay goleheeda wasiirada.

Ms May ayaa sheegtay inay wajahayaan nooc cusub oo argagixiso oo isticmaalaya weeraro kuwa ugu arxanka dara, iskama yeelyeelin karno ayay tiri in waxwalbaa sidoodii kusii socdaan.
 
Ms May ayaa sidoo kale sheegtay in doorashada qamiista la filayo ay sideedii u dhicidoonto.

And she has called for a tougher approach on national security.

Hogaamiyaha mucaaradka  Jeremy Corbyn ayaa sheegay in dawlad Labor ah oo mustaqbalka inay qoridoonto kumanaan boolis iyo shaqaale ka shaqeeya amaanka.

Wuxuu sidoo kale ku dhaliilay Ms May inay jartay tirada booliska markay wasiirada arimaha gudaha ahayd.

German chancellor Angela iyo madaxweynaha Fransiiska Emmanuel Macron iyo madaxweynaha Ruushka  Vladimir Putin ayaa dhamaantood ka tacsiyeeyay weerarka iyo sida ay garabtaagan yihiin Britan.


Madaxweynaha Maraykanka  Donald Trump ayaa u isticmaalay dhacdadan inuu dhaliilo duqa magaalada London Saiq Khan.

Isagoo isticmaalaya warbaahinta bulshada ee Twitter, ayaa  Mr Trump sidoo soo cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in muslimiinta dalalka qaar aysan soo galin  Maraykanka.

Dawlada  Australia ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 3 muwaadiniin Australian ah weerarkan uu qabsaday.

Mid ka mid ah ayaa lagusoo waramay inay haweenay reer Brisbane ah oo 30 jir ah oo ka badbaaday dhaawac kasoo gaaray mindi qoorta looga dhuftay.

Wasiirada arimaha dibada Julie Bishop ayaa Chanel Nine u sheegtay in gabadhaas ay cisbitaal ku jirto oo la dabiibayo.


Nin kale oo ku dhaawacmay ayaa lagu sheegay inuu yahay Andrew Morrison oo reer Darwin ah.




Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand