Qaraxi shalay galab ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney ku dhinteen 6 qof oo ay sadex guddoomiye degmo ka mid ahaayeen.
Waxay wararku sheegayaan in dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan u halis yahay balse noloshiisu aysan qatar ku jirin.
Waxaa la geeyay dadka ku dhawacmay qaraxa cisbitaalka Digfeer waxaan ku jira dadka dhaawaxmay masuuliyiin kale oo ka tirsan gobolka Banadir.
Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha xarunta Gobolka Banaadir, Wararka ayaa sheegaya in qof haween ah ismiidaamisay.
Xilliga qaraxu dhacay ayaa la sheegay inuu socday kulanka todobaad laha ah oo looga hadlo arimaha maanka gobolka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shirka ka hor isla xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, iyagoo sheegay in bartilmaamedkooduna ahaa wakiilka QM ee Somaliya James Swan.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 6 ruux oo ay ku jireen gudoomiyayaal degmo iyo agaasimayaal ka tirsan gobolka Banadir.
Wasiir Maareeye oo ka hadlayey xaaladda uu ku sugan yahay Guddoomiyaha Gobolka banaadir Injineer C/raxmaan Yariisow wuxuu sheegay in dhaawaciisa uusan halis ahayn.
Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.
Dhanka kalana Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddiga gurmadka ee weerarkii galinkii dambe ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.
Guddigan ayaa ka kooban wasiirro iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaa ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxii xarunta gobolka Banaadir.