Wasiirka arimaha gudaha Peter Dutton ayaa baarlmaanka horgeeyay isbadal sharciyeed fududaynaya in laga kansalo muwaadinimada dadka haysta labada dhalasho oo lagu xukumay danbiyo argagixiso.
Hindisahan ayaa siinaya wasiirka awood uu xiriirka Australia uga jarikaro cidii lagu helo danbiyo argagixiso laguna xukumay ugu yaraan sadex sano oo xarig ah wixii ka danbeeyay 2003.
Laakiin koox madax banaan oo dusha kala socota sharuucda amaanka qaranka ayaa ogaatay in hindisaha dawlada ee sida automatiga ah uga qaadayo muwaadinimada dadka labada dhalasho haysta uu ku xadgudbayo sharuucda caalamiga ah.