John Alexander oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaaka ahna xisbiga Liberalka ayaa ku jira taloraadis uu ku ogaanayo inuu yahay muwaadin Brithis ah iyo in kale kadib markay soo baxeen warar sheegay inay dhici karto inuu yahay muwaadin Brithis ah.
Mr Alexander ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in shakigan uu dhamaan doono maadaama aabihiis uu ka tanaasulay dhalashadii Britan ka hor inta uusan isagu dhalan.
Arintan u danabysay ayaa imanaysa iyadoo RW ku dhawaaqay qorshe lagusoo afjarayo qulqulada dhalashada xildhibaanada iyadoo lagu qasbayo xildhibaan kasta inuu cadeeyo inuu ka tanaasulay dhalasho dalka kale haddii u leeyhaya ka hor fasaxa diinta masiixiga ee dhamaadka bisha december. Xildhibaanada ayaa sidoo kale la doonayaa inay cadeeyaan halka waalidkood ku dhasheen.
Hase yeeshee Malcolm Turnbull ayaa qiray in xalkan ay dhici karto inuu xubno kale oo baarlmaanka ka tirsan dhibaato u keeno oo la ogaado inaysan xaq u lahayn inay baarlmaanka kusii jiraan.
Laakiin wasiirka maaliyada Mathias Cormann ayaa ABC u sheegay in arintan ay kalsooni dheeraad ah bixinayso.