Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maalinta caalamiga ee dabargoynta cabidda tubaakada

Pandemic-related stress has seen some Australians turn to tobacco (AAP)

On World No Tobacco day, anti-smoking campaigners are calling for renewed health warnings. Source: AAP

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ee dabargoynta isticmaalka tubaakada 31 bisha May, ayuu Ururka Caafimaadka Aduunka ku dhiiragalinayaa dadku inay joojiyaan sigaar cabka iyo nooca dhuuqida tibaakada ee cusub ee vaping loo yaqaan, iyadoo sanadkan halku dhagu yahay 'Tubaakadu waxay qatar ku tahay bii'adeena'.

Ujeedada laga leeyahay ololaha sanadkan ayaa ah in wacyi galin caaliya laga sameeyo saamaynta isticmaalka tubaakadu ku yeelato bii'ada oo ay ka mid tahay in la gooyo 600 oo milyan oo geedo ah si looga dhigo waraaqaha tubaakada lagu laabo.

Dr Sarah White, oo ka tirsan Cancer Council Victoria ayaa SBS News u sheegtay in inkastoo aad looga warqabo in dabadda sigaaku yahay wasaqda ugu badan ee Australia, waxaa sidoo kale soo baxaya dhibka nooca cusub ee e-cigarrete uu bii'ada ku hayo."

 

"Qaabka ugu fiican ee aan ku joojin karno saamaynta sigaarku ku leeyahay bii'ada waa inaan joojino suuqiisa. Waxaan samayn karnaa inaan dadka ka hor istaagno inay tijaabiyaan sigaarka iyo e-sigaarka."


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now