Maamulka Donald Trump ayaa lagusoo waramayaa inuu doonayo inuu balaariyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab sida lagasoo xigtay jaraaidka New York Times. Maamulka Trump ayaa sidoo kale la filayaa inuu khafiifiyo sharciyo ay dawladii isaga ka horeysay ee Obama ay dejisay kuwaas oo looga danlahaa in lagu yareeyo qasaaraha ka dhashaya weerarada lagu qaado kooxaha sida Al-shabaab oo kale ee soo gaara dadka rayidkaa.
Jariidadda ayaa sidoo kale qortay inay dhici karto in qaybo ka mid ah dhulka Al-Shabaab gacanta ku hayso loo aqoonsado inay yihiin goobo dagaal.
Sharuucdan ayaa cusub ee looga danleeyahay in ciidanka la siiyo xoriyado dheeraad ah oo ay ku fuliyeen weeraro ayaa hadaba laga dhaqan galiyaya 3 goobood oo ku yaal Yemen sida ay qoratay jariidka New Yor Times. Waxay kaloo kusoo waraymaysaa in goobo noocaas oo kale laga hirgalindoono dalka Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay haysteen kooxda Al-Shabaab.
Taas ayaa macneheedu yahay in goobahaas loola dhaqmo sidii goobo dagaal oo markaasi gacmaha u furaysa ciidanka weerarada ka fulinaya.
Sharuucdii hore ee maamulkii hore dejiyaya ayaa looga danlahaa in lagu badbaadiyo dadka rayidkaa ee ku sugan goobaha ay ka taliyaan kooxaha sida Al-Shabaab oo kale ah.
Isbadalkan ayaa la filayaa inuu dhawaan dhaqangalo.