Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maamulka Trump oo balaarinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Trump administration set to change the rules of engagement for US Army fighting groups like Al-Shabaab

Somali government soldiers in Afgoye
At least 15 people have died in clashes in the town of Afgoye in southern Somalia. (AAP) Source: AAP

Maamulka Donald Trump ayaa lagusoo waramayaa inuu doonayo inuu balaariyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab sida lagasoo xigtay jaraaidka New York Times.  Maamulka Trump ayaa sidoo kale la filayaa inuu khafiifiyo sharciyo ay dawladii isaga ka horeysay ee Obama ay dejisay kuwaas oo looga danlahaa in lagu yareeyo qasaaraha ka dhashaya weerarada lagu qaado kooxaha sida Al-shabaab oo kale ee soo gaara dadka rayidkaa.

Jariidadda ayaa sidoo kale qortay inay dhici karto  in qaybo ka mid ah dhulka Al-Shabaab gacanta ku hayso loo aqoonsado inay yihiin  goobo dagaal.

Sharuucdan ayaa cusub ee looga danleeyahay in ciidanka la siiyo xoriyado dheeraad ah oo ay ku fuliyeen weeraro ayaa hadaba laga dhaqan galiyaya 3 goobood oo ku yaal Yemen sida ay qoratay jariidka New Yor Times. Waxay kaloo kusoo waraymaysaa in goobo noocaas oo kale laga hirgalindoono dalka Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay haysteen kooxda Al-Shabaab.

Taas ayaa macneheedu yahay in goobahaas loola dhaqmo sidii goobo dagaal oo markaasi gacmaha u furaysa ciidanka weerarada ka fulinaya.

Sharuucdii hore ee maamulkii hore dejiyaya ayaa looga danlahaa in lagu badbaadiyo dadka rayidkaa ee ku sugan goobaha ay ka taliyaan kooxaha sida Al-Shabaab oo kale ah.

Isbadalkan ayaa la filayaa inuu dhawaan dhaqangalo.

 

 


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now