Qaamuuska Macquarie, ayaa erayga cusub ee sanadka 2017 u doortay " milkshake duck".
Eraygan oo ka kooban laba eray, ayaa macnihiisu yahay qof aad loo jeclaaday, sumcad fiicana leh, caanna ah, balse waqti yar ka dib wixii loo qaatay, ama lagu bartay, ama laga filayay, ama uu ku caan baxay kasoo horjeedkiisa isu badalaya ama noqonaya, kadibna si degdega sumcadiisu hoos oogu dhacayso. Macnaheeduna waa lagu mood noqonse weyday.
Tafatiraha Qaamuuska Macquarie Susan Butler, ayaa tusaale ahaan usoo qaadatay Don Burke ninka la yidhaahdo, oo ahaa wariye iyo soo saare TV, caana noqday, balse 2017 ayaa dacwooyin dhanka jinsiga ah oo aad u tira badan lagu sheegtay,
Eraygan ayaa laga soo min guuriyay qoraal uu ninka Kaarikaateerka sawira ama "sawir gacmeedka" ee Australianka ah Ben Ward, uu twitterka soo dhigay, ahaydna balanboolo milkshake cabaysa, taasoo dadku ay jeclaadeen, shan daqiiqa ka dib waxuu soo galiyay twitterka, in balanbooladu ay ahayd mid cunsuriyada, kadibna dadkii ay naceen hal mar.