Madaweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdala Saalax oo la dilay.

Madaweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdala Saalax oo la dilay.

Huthi rebels (L) celebrating after the killing Yemen's ex-president Ali Abdullah Saleh

Huthi rebels (L) celebrating after the killing Yemen's ex-president Ali Abdullah Saleh Source: AAP

Madaxweynihii hore ee wadanka Yemen Ali Abdala Salax  ayaa Isniintii (04/12/2017) ladilay, iasagoo kasii baxsanaya magaalada Sanca, kuna sii jeeda xarunta uu kasoo jeeday, kadib markii uu sii khadhaadhaaday dagaalka  u dhexeeya ciidamada isaga raacsan iyo maleeshiyaadka  Xuutiyiinta ee laga taagero dhanka Iran.

Dilka Salax waxaa gaystay maleeshiyaatka Xuutiyiinta, kuwaasoo dhabaha u galay isagoo isku dayaya, isaga iyo sarakiil sarsare oo isaga raacsanaa in ay dagaalka caasimada Sanca oo aad u kululaaday  ay ka baxsadaan.

Xuutiyiinta inta ayna dilin Saalax ayay sheegeen in ay la wareegeen goobtii xaruntii Saalax ee caasimada Sanca uu ka fadhiyay,  waxayna sheegeen in Ali Abdala Saalax,  uu ku dhintay tacshiirad la huwiyay baabuurkiisa, isagoo dagaalamaya, balse warar kale ayaa sheegaya in Xuutiyiintu ay nolol ku qabteen Salax oo dhaawaca, kadibna ay israaciyeen.

Ali Abadala Saalax ayaa maalintii Sabtida( 02/12/2017) ahayd kahor inta aal la dilin, taagerayaashiisa oogu yeedhay in ay si adag isaga dhiciyaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta, isagoona sheegay in uu wadahadal la galayo Isbahaysiga Carbeed ee Sucuudigu  hogaamiyo.

Warkan ayaa u muuqda in uu xiisad  kulul sii galiyay dhiilada colaadeed ee ka taagnayd dalka Yemen, isagoo sii kala fogeeyay isbahaysigii ay lahaayeen Ali Abdala Saalix iyo Xuutiyiintu

Wararka kasoo baxaya magaalada Sanca caasimada dalka Yemen, ayaa sheegaya in dagaalku  hada uu aad usii khadhaadhaaday, ayna muuqato in si cusub wadanka Yemen uu u galay dhiilooyin colaadeed oo aan la odorasi karin cida ay galaafan doonto iyo halka ay ku dhamaani doonto midnaba.

 


Share

Published

Updated

By Mohamed Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand