Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo iska fogeeyey madaxweynihii hore.

Ranil Wickremesinghe ayaa loo doortay madaxweynaha Sri Lanka. Ranil waxa uu ahaa Ra'iisul Wasaarihii dawladii Rajapaksa ee wadanka ka baxsaday, kadib banaanbaxyo shaqaaqooyin badan dhaliyeen. Ranil dhaarinta ka dib waxa uu leeyahay Sri Lanka anigaa ka bixin dhibaatada ay ku jirto.

Sri Lanka's parliament elects Ranil Wickremesinghe as president

Sri Lanka's parliament elects Ranil Wickremesinghe as president Source: Getty Images

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa bilaabay inuu iska fogeeyo madaxweynihii isaga ka horreeyay ee aan la jeclayn, isaguna uu u ahaa Ra’iisul Wasaare, isagoo u sheegay suxufiyiinta inuu mar walba ka soo horjeeday qoyska Rajapaksa ee saameynta ku lahaa siyaasada

Mr Wickremesinghe waxa uu sheegay in uu go'aansaday in uu raadiyo hab uu uga bixiyo wadanka  Sri Lanka, dhibaatadan oo ah dhibaatadii dhaqaale ee ugu xumayd muddo tobanaan sano ah iyada oo Sri Lanka ay wali la ildarantahay gabaabsiga waxyaabaha daruuriga ah ee ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada iyo dawooyinka.

Madaxweynaha cusub ee la dhaariyay ayaa ah mid ayna soo dhaweynin dhinacyo ka mid ah dibadbaxayaasha, kuwaasi oo bishan gudaheeda ku weeraray hoygiisa, markii uu ahaa Ra’iisal Wasaaraha, isla-markaana gubay gurigiisii gaarka ahaa.

Balse siyaasiga rug-cadaaga ah ayaa sheegay in uu saaxiib la ahaa shacabka  intii uu ku jiray siyaasada, isagoo sheegay inuu mar walba kasoo horjeeday siyaasada qoyska madaxweynihii hore.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo iska fogeeyey madaxweynihii hore. | SBS Somali