SKIP TO MAIN CONTENT

Madaxweyne Trump oo mar labaad loo codeeyay in xilka laga qaado

The US House of Representatives debates the second impeachment of President Donald Trump.
The US House of Representatives debates the second impeachment of President Donald Trump. Source: US House of Representatives

1 min read

Published


Skip to article content

Qodobka loogu codaynayo in xilka looga qaado madaxweyne Trump ayaa ka helay aqalka wakiilada aqlabiyadii ugu saraysay markii ay 232 xildhibaan ay HAA u codeeyeen halka 197 ay MAYA ugu codeeyeen.

Aqalka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu 'huriyay kacdoonkii' ka dhacay caasimada markii taageerayaasha madaxweynaha ay weerareen aqalka baarlamaanka.

Afhayeenada aqalka wakiilada Nancy Pelosi ayaa sheegtay in loo baahan yahay in madaxweynaha lagala xisaabtamo falka uu ku kacay.

"Miyaysan na saarnayn waajibaad aan u dhaaranay inaan samayno wax kasta oo dastuuriyan kaga difaaci karno dalkeena iyo dimoqraadiyadeena danaha nin muujiyay inuu qatar ku yahay xoriyadeena iyo sharuucda dalka."

Madaxweyne Trump ayaa noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay taariiqda Maraykanka oo labo jeer loo codeeyo in xilka laga qaado. 

Waxaa kayskiisa dhagaysan doona aqalka Senatka.


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now