Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo la caleema saaray.

Xafladii caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar dhaw gabagaboowdey.

President Hassan Sh Mohamud with two former president

Source: Madar

Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo caleema saaray maanta oo Khamiisa 09/06/2022  in uu noqdo madaxweynaha 10 aad ee Soomaaliya ka talin doona muda xileedka afarta sanada ee soo socota.

Xaflada oo si weeyn loo soo agaasimay ayaa wufuuda joogtay waxaa ka mida Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Raysul Wasaaraha Masar Mustafa Madbuuli, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Raysulwasaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, maadaama ay wufuud badani kusoo qulquleysay, iyadoo taasina ay saameysay isu socodkii dadweynaha.

Waxyaabaha fiirada gaarka lahaa ayaa waxey aheyd in dadweynaha maalmihii lasoo dhaafay si xushmad leh makarafoonada codka baahiya si ku celcelisa loogu sheegayey in maalinta xaflada caleema saarka ay dadku guryahooda joogaan maadaama magaaladu xidhantahay. 

 


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now