Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweyne Cali Mahdi ayaa sida wararka qaar ay sheegayaan maamihii ugu danbeyayba ku xanuusanaa Nairobi, halkaa oo uu u tagay arimo caafimaad, laakiin lama xaqiijin xanuunka uu u geeriyooday.
Alle ha u naxariisteen Cali Mahdi ayaa sanadkii 1991 loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya kadib markii la riday dowladdii militariga aheyd ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, iyadoo wixii waqtigaa ka danbeeyayna dalka ay ka dhaceen dagaalo sokeeye oo ay isaga hor yimaadeen dhinacyo kala taageersanaa madaxweyne Cali Mahdi iyo Jen Maxamed Faarax Ceydiid oo diidanaa xukunka Cali Mahdi Maxamed.
Sanadkii 2000 ayuu talada dalka ku wareejiyay Cabdiqaasim Salaad Xassan kadib shirkii ka dhacay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.
Alle u naxariisteen Cali Mahdi wuxuu ahaa ganacsade caan ah oo siweyn looga yaqaanay gayiga Soomaaliya ka hor inta uusan siyaasada soo galin.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geerida ku timid Allaha unaxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed. Dowladdu waxaa ay sheegtay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliya hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ku dhacay cudurka COVID-19.
Madaxweyniii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ku daabacay bartiisa twitterka ayaa isna tacsida ka diray geerida Cali Mahdi Maxamed.
Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa madaxweynihii Afraad ee Soomaaliya..
Cali Mahdi waxa uu u dhashay degaanka Caddaw-Uul oo uy dhow degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellada Dhexe sannadkii 1935-tii, waxaanauu waxbarashadiisii hore ku qaatay magaalada Muqdisho.
Sannadkii 1969-kii waxa uu Cali Mahdi ku biiray baarlamaanka dawladii rayidka ka hor inta aan inqilaabkii milatarigu ka dhicin dalka.
Toddobaatameeyada ayuu Cali Mahdi uu u leexday dhinaca ganacsiga oo uu ku najaxay. Waxaa uu sidoo kale usoo shaqeeyey wasaaraddii caafimaadka Soomaaliya.