Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Magdhow lasiinayo qaxootiga Manus Island

Manus Island detainees will receive $70 million in the settlement of a class action against the Australian government

Asylum seekers at the Manus Island detention centre
A class action seeking damages for 1900 Manus Island detainees has been settled. (AAP) Source: AAP

 Magangalyodoonka ku xiran xerada Manus Island ayaa lasiindoonaa  $70 malyan oo doolar oo magdhow ah kadib dacwo ay si guud dawlada Australia ugusoo oogeen.

Qareemada matalayay magangalyodoonka ay heshiis sharuudo ku xiran yihiin la gaaray dawlada Australia iyo shirkadaha maamula xerada manus Island.

Andrew baker oo ka tirsan shirkada qareenada Slater and Gordon oo matalaysay qaxootiga ayaa sheegay in kayskan lagu xaliyay in dawladu bixiso 70 Malayn oo doolar iyo qarashaadkii baxay.

Dacwadan lagu matalayay shamaan qaxootiga ayaa lagu doonayay in magdhow lagu siiyo 1905 qof oo sida shirkada qareemadu sheegtay ay ku jiraan inta badan dadkii xerada lagu xiray wixii ka danbeeyay 2012.

Qaxootiga ayaa magdhowga uga doonaya dawlada Australia iyo maamulayaasha xerada dhaawicii maskaxeed iyo kan jireed oo kasoo gaaraya xariga ay ku xirnaayeen xerada.

Watch: Human rights law centre on Manus Island

Dacwadan wadajirka ah ayaa sidoo kale magdhow loogu doonayay xariga beentaa oo ay maxkamada sare ee Manus Island ku sheegtay inuu ahaa mid kasoo horjeeda dastuurka dalkaas.

Dawlada Australia iyo shirkadaha maamusha xerada G4S Australia  iyo Broadspectrum {Hore loo yaqaanay Transfield Services} ayaa dafiray eedaha loosoo jeediyay.

Faahfaahinta heshiiskan ayaa ah mid sir ah waxayna ku xiran tahay in maxkamadu ogolaato.

Shirkada qareemada ee Slater and Gordon ayaa sheegtay in dacwadan wadajirkaa ay iftiiminayso daruufaha ay soo mareen dadka lagu hayo xerada Manus Island.

Watch: Manus detention centre to close on October 31 - Dutton


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now